Monday, July 7, 2025

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ansixiyay Sharcigii Doorashooyinka Dalka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Sharciga yeedka Doorashooyinka dalka oo maanta la mariyey akhrintii saddexaad.

Kulankii 35-aad ee kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ajendihiisu ahaa: Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal, iyadoo kadib cod loo qaaday.

Sharciga Doorashada waxaa ansixiyey 27 Senator, halka ay diideen 6 senator, mana jirin cid ka amuustay, waxaa kulanka ku sugnaa 33 mudane, iyadoo ay maqnaayeen 21 kale.

Kulanka waxaa shir guddominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana sharcigan oo muddo hor yaallay Aqalka sare hadda u gudbayaa Madaxaweynaha si uu u saxiixo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON