Tuesday, June 24, 2025

Aqalka sare ee Baarlamaanka oo markii ugu horeysay maanta shaqadii loo xil saaray ka doodaya

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay ee ku saabsan howsha ay u xil saaran yihiin.

Kulan ay maanta yeelanayaan ayaa la sheegay in looga hadlayo Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada dalka oo xiriirkoodu sii xumaaday markii ay xiriir toos ah la yeesheen dalka Imaaraadka Carabta.

Aqalka sare ayaa tan iyo intii la dhisay wuxuu ku mashquulahaa sameynta xeer hoosaadkiisa, iyadoo markaas kadibna uu faraha la galay arrimo sharci ahaan ka baxsan howshiisa sida u yeerista madaxda xukuumadda iyo la-xisaabtanka xukuumadda.

Qaar ka mida madaxda Aqalka Sare iyo senatorada ayaa Golaha u adeegsaday arrimo aan shaqadiisa ahayn taasoo keentay in la garan waayo doorka uu ku leeyaay hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.

Xubnaha Aqalka sare oo xildhibaanadu kasoo jeedaan maamul Goboleedyada ayaa metela maamullada ay kasoo jeedaan danahooda, waxayna dowladda dhexe, taasoo haddii ay qaban lahaayeen howshaasi keeni lahayd inaysan isku dhicin labada dhinac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON