Friday, March 29, 2024

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo degdeg u Ansixiyey Sharciga Duulista Rayidka.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey sharciga Duulista Rayidka oo muddooyinkan ay ka doodayeen.

Fadhiga 37aad ee Kalfadhiga 6aad ee maanta oo uu ka qeyb galay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdullaahi Salaad Oomar ayuu Aqalka Sare Akhrinta 2aad iyo Akhrinta 3aad-ba wada marsiiyey Hindise -Sharciyeedka Duulista Rayidka oo la sheegay in si degdeg loo rabo.

Cod loo qaaday waxaa ogolaaday 29 Senator, mana jirin cid diiday ama ka aamustay, iyadoo uu shirka guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi .

Ad

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa golaha Aqalka sare uga mahadceliyay meel marinta sharcigan oo ay baahi weyn u qabeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON