Friday, June 27, 2025

Aqalka Sare oo Guddi u magacaabay xalinta khilaafka Baarlamaanka ee Mooshinka Farmaajo [Magacyada]

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddi dhexdhexaadin oo xal u raadinaya khilaafka u dhaxeeya Guddoonka Baarlamaanka ee ka dhashay mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga waxaa guddoomiye u ah Senator C/risaaq Cismaan Jurille, waxayna u howlgelin doonaan sidii xal ugu heli lahaayeen xaaladda ka taagan guddoonka iyo Baarlamaanka Federaalka, sida uu sheegay Xogayaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac.

Xubnaha Guddiga xal u raadinta khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka ee Aqalka sare ayaa kala ah:

1- Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurille -Gudoomiye

2- C/kaafi Macallin Xasan – xubin,

3- Cabdi Axmed Dhuxulow

4-  Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex

5- Cabdullaahi Cabdi Garuun

5- Yuusuf Geelle Ugaas

6- Cabdirisaaq Axmed Cali

Dhinaca kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa u dhoofay dalka Turkiga, kadib markii Guddigan uu magacaabay, waxaana la sheegay inuu socdaalkiisa qaadan doono dhowr maalmood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON