Gudiga Golaha Aqalka Sare ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay go’aan ku saabsan waanwaantii ay ka dhex wadeen Dowladda Federaaka iyo Dowlad goboleedyadda dalka.
Sida uu shaciyey Senator C/raxmaan Faroole oo madax u ah guddi Aqalka Sare u saaray Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Federaaka Iyo Maamul Goboleedyadda ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray khilaafaasi.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Warbaahinta u sheegay in arrintan ay timid kadib dadaal weyn oo ay sameeyeen Golaha Aqalka Sare oo ku dhex jiray arrintan in muddo ah, wuxuuna caddeeyay in loo xilsaaray Guddi dhex gala khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda.
Waxaa uu sheegay in dadaalkii Aqalka Sare ay wadeen uu miro dhalay iyadoo dhowaan uu kulan toos ah dhex mari doono madaxda Maamul goboleedyadda iyo Dowladda FederaalkaSoomaaliya, iyadoo dhowaan la shaacin doono.