Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi dhexdhexaadin u magacaabaya khilaafka dhex yaalla maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulan ay maata leeyihiin Gudiga joogtada ee Aqalka Sare ayaa la filayaa in lagu dhawaaqao Guddiga Aqalka Sare oo ku dhex jirtay xal u helidda khilaafka Dowladda Federaala iyo Maamul Gobaleedyada, iyadoo labada dhinac ay soo magacawdeen xubno wasiiro ah oo wakiil ka ah.
Dhinaca kale Aqalka Sare ayaa sugaya inuu hor yimaado Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay ka dhageysan doonaan warbixin ku saabsan xaaladda ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo Aqalka Sare.
Aqalka Sare ayaa la sheegay in dhexdooda ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo wajahayo khilaafka dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.