Kulan ay maanta yeesheen Guddiyada joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga hadlay xaaladda amniga ee xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho.
Gudoomka Aqalka ayaa hore u dalbaday in Ciidamada AMISOM la keeno xaruntaasi, dalabkaas oo aan laga jawaabin, waxaana Sanator Axmed Nadiir oo ka mida xildhibannada Aqalka sare uu sheegay in Amniga xarunta aan la isku haleyn karin, walaac badanna ay ka qabaan.
Xildhibaanka ayaa caddeeayay in mudo Sanad iyo bar ah ay ku shaqeynayaan xarunta oo Amnigeeda aanu wanaagsaneyn, laakiin. Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in AMISOM ay aqbashay qoraalkii ay gaarsiiyeen ayna filayaan in Ciidamo AMISOM ah a ay la wareegaan amniga Xarunta Aqalka sare.