Tuesday, June 24, 2025

Aqalka Sare & Wakiilada Q/Midoobay & Midowga Afrika oo ka hadlay khilaafka Dowladda & Maamul Goboleedyada

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay Xalinta Khilaafaadka dhex yaalla Dowladda Federaalka iyo Dowlada Goboleedyada, sida uu sheegay Xoghayaha Guud Aqalka sare  Cali Maxamed Jaamac .

Wuxuu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo Wakiilada Q/Midoobey iyo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii shaqada Aqalka Sare loo taageeri lahaa.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa hore ugu adkeysatay inaysan marna aqbali doonin faragelin beesha caalamka iyo wakiiladooda ku yeesheen arrimaha khilaafka dowladda iyo maamul Goboleedyada, lamana oga sida Aqalka sare ka yeeli doono arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON