Tuesday, June 24, 2025

Aqoon isweydaarsigii Afraad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS-2018) oo ka Furmay Muqdisho [Sawirro]

Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 13 Novembar furmay Aqoon isweydaarsiga sannadlaha afraad ee cilmibaarista Soomaaliyeed (ACSOS2018), oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo magaciisa loo soo gaabiyo (ISOS), oo hoos taga Jaamacadda  Muqdisho.

Aqoon isweydaarsigan oo socondoona muddo saadex maalmood ah,  waxaa kasoo qaybgalay aqoonyahanno iyo cilmibaarayaal katirsan jaamacadaha iyo xarumaha cilmibaarista ee ku yaala dalka oo tiradoodu gaarayso in kabadan (150) aqoonyahan.

Sidoo kale waxaa kaqaybgelaya waxgarad  katirsan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Aqoon isweydaarsiga sannadkan waxaa halkudheg u ah: “Soomaalida Dunida ku Baahsan iyo Waayaha Maanta” “Somali Globalised Society: Dynamics & Challenges”.

xafladii furitaanka Ugu horayn waxaa kahadlay agaasimaha machadka ISOS ustaad Mustafa Cabdullaahi Fayruus oo kajeediyay hadal isugu jiray soo dhawayn iyo warbixin kusaabsanayd habsocodka barnaamijka, waxaana uu sheegay in lagu soo bandhigayo  in kabadan (30)  daraasadood iyo cilmibaarisyo kusaabsan sooyaalka iyo waayaha Soomaalida.

“Aqoon isweydaarsiga Sannadlaha ee Cilmibaarista Soomaaliyeed waa madal cilmiyeed  uu sanad kasta qabanqaabiyo machadka cilmibaarista Soomaaliyeed (Machadka ISOS) oo ah xarun cilmibaariseed katirsan Jaamacadda Muqdisho” ayuu hadalkii kusoo gebagebeeyay agaasimaha machadka ISOS

waxaa sidoo kale madasha aqoon iswaydaarsiga kahadlay Dr. Cabdishakuur Sheekh Xasan Fiqi oo ah agaasimaha tacliinta sarre iyo cilmibaarista ee wasaaradda waxbarashada iyo  tacliinta sarre ee dawladda federaalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay  machadka ISOS  howlaha uu cilmi baarista ka qabto, wuxuuna ku booriyey inay dadaalkaa sii laba laabaan.

Ugu dambayn kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Jaamacadda Muqdisho Prof. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. Liibaan) ayaa umahadceliyay aqoonyahanka kasoo qaybgalay iyo cilmi baarista waxku oolka ay soo jeedin doonaan wuxuuna urajeeyay inuu guul kudhamaado xoogana lasaaro in dadaal xoog leh loo galo in dalka cilmi baarisyo badan laga sameeyo.

Aqoon iswaydaarisiga maalintiisii koobaadna wuxuu kusoo dhamaaday guul.

Image may contain: 1 person, smiling

Image may contain: 11 people, including Cawrala Dahir, people sittingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 7 people, people sittingImage may contain: 1 person, smiling, standing, suit and textImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: Abdifatah Diyeeshe, standingImage may contain: 1 person, standing and textImage may contain: 10 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON