Friday, July 11, 2025

Aqoonyahan taageera Farmaajo oo 10 Maalmood kadib lasii daayey, markii lagu qafaashay Nairobi

Nin lagu magacaaabo Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa caawa lasii daayey, kadib muddo ka badan 10 maalmood oo la weysnaa, markii laga qafaashay magaalada Nairobi.

Ninkan oo ahaa Falanqeeye siyaasadeed iyo Aqoonyahan kasoo jeeda Soomaalida Kenya ayaa Arbacadii 8-da September 2021 lagu qafaashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la waayey meel uu ku sugan yahay.

Qoyska Ninkan ayaa ayaa laga soo xigtay inuu dib ula midoobay caawa, markii uu xoriyadiisa dib u helay oo lasii daayey. Warar kala duwan ayaa kasoo baxay cidda ka danbeysay xarigiisa iyo sababaha loo qabtay, waxaana la filayaa in faahfaahin laga bixiyo.

Ninkan 55- sano jirka ah ayaa ka faalloon jiray arrimaha Geeska Afrika, wuxuuna kasoo muuqan jiray Warbaahinta Kenya iyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da isagoo faaqidaya arrimaha Geeska Afrika sida Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Cabdiwahaab wuxuu xilliyadii danbe tegay magaalada Muqdisho, wuxuuna taageere weyn u noqday Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo si toos u weerararay siyaasiyiinta ka horjeeda Farmaajo oo ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaare Rooble, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, iyo Musharixiinta mucaaradka.

Boggiisa twitter-ka ayaa isu bedelay goob si weyn looga weerarro siyaasiyiinta ku kacsan Farmaajo, sidoo kale wuxuu taageeri jiray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON