Saturday, July 12, 2025

Arday ku xaniban Shiinaha: C/raxman C/shakur oo Dowladda ka dalbaday Gurmad & Xildhibaan Fiqi oo eedeyn u jeediyey.

Iyadoo ay weli taagan halista sii kordheysa ee Cudurka Corona ee ka dilaacay dalka Shiinaha ayaa waxaa magaalada Wuhan ee uu ka bilowday Virus-ka waxaa ku xayiran arday Somaaliyeed oo ka badan 40, kuwaasoo dalabanaya ina halkaasi laga qaado.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa shalay soo saartay qoraal si weyn loo cambaareeyay oo ay ku sheegtay inuusan jirin arday Soomaaliyeed oo xanuunkaasi ku dhacay, ayna xiriir la sameysay dowladda Shiinaha, iyadoo aan soo hadal qaadin in ardaydaasi laga qaado magaalada go’doonka ku jirta ee cudurkaasi halakeeyay, sida ay yeeleen dowlado badan.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mida mucaaradka dowladda ayaa guu baaqay dowladda Federaalka inay adeegsato tallaabo kasta oo ardaydaasi lagu soo badbaadin karo, wuxuuna farriin baaq ahayd ku yiri:

“Waxay ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin Dowladda Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dowladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dowlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen. Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dowladda Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan..”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada dhaliila dowladda Soomaaliya ayaa isagu ku eedeeyay mas’uuliyad darro weyn oo safaaradda Soomaalida ee Shiinaha ku dhaqaaqday, iyadoo aan tixgelin siinin qeylo-dhaanta ardaya Soomaalida ka imaaneysa.

“Magaalada Wuhan waa magaalo go’doonsan, oo gelitaan iyo bixid aan loo ogolayn marka laga reebo dadka ajnabiga ah oo dawladahoodu qaadanayaan waa tan safaaradii na dhahaysa waxaan sugaynaa marka ardaydaas uu cudurku ku dhaco waa mas’uuliyad-darro weyn iyo tixgalin la’aan dhawaqa dadkaas gurmadka weydiisanaya… Waxaan dawladda Soomaaliyeed iyo safaaradduba ay qaadi doonaan mas’uuliyadda ka dhalata dayaca iyo inkiraadda dhibka ardyadaas heysata..”ayuu qoraalkiisak u yiri xlldhibaan Fiqi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON