Thursday, June 26, 2025

Aroos Wacdarro ka dhigay Wadooyinka Magaalada Jidda oo muran ka dhaliyay Sacuudiga [Daawo]

Aroos nooc cusub ka ah dalka Sacuudiga oo ka dhacay magaalada Jiddaha ayaa keenay in amar  laga soo saaro qaabka aroosyada loo dhigo.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyey arooskan oo haweeneyda caruusadda ahayd ay soo xiratay dharka caruusadda ee laga soo minguuriyay reer Galbeedka, iyadoo Wadadda weyn Korniish ee magaalada Jidda ay socod ku mareen iyada iyo caruuskeeda, xilli aysan wadan wax xijaab ah oo timaheeda ay bannaanka soo dhigtay.

Muuqaalka lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey gawaari fara badan oo wadooyinka u istaagay inay salaamaan arooskaasi oo xaalad cusub ka sameeyay Sacuudiga, waxaana ay ahayd wax aan hore loogu arag Sacuudiga oo mamnuuc ka ahaa muddo dheer.

Amiirka Gobolka Jidda Khaalid Alfeysal ayaa arrintan kadib soo saaray amar ah in la mamnuucay caadooyinka khilaafsan dhaqanka iyo diinta Islaamka ee lala tago bulshada dhexdeeda iyo goobaha caamka ah.

HOOS KA DAAWO

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON