Monday, July 14, 2025

Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay Weerarkii Carbiska & Wararkii ugu danbeeyay

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar Qarax weyn loo adeegsaday oo Alshabaab ay la beegsadeen kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo mareysay degaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ilaa saddex askari looga dilay AMISOM iyadoo dhowr kale looga dhaawacay, waxaana goobta gaartay diyaarad helikobtar ah oo halkaasi ka qaaday meydadka iyo dhaawaca askarta AMISOM.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM uu askari kaga dhintay weerarkaasi ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, halka mid kale uu kaga dhaawacmay, sidoo kale wuxuu sheegay in labo ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen weerarka.

Wilson rono ayaa beeniyay warar uu sheegay in baraha bulshada lagu faafiyey oo ku saabsanaa in dad badan oo rayid ah lagu dilay goobta uu dagaalka ka dhacay.

Mas’uuliyiinta iyo dadka degaanka ayaa sheegay inay musiibo weyn ka dhacday degaankaasi, isla markaana ay ururinayaan qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca oo ay dib kasoo sheegi doonaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON