Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada dowladda lagu khaarijiyey Ex. Kontrol Afgooye markii ay weerar kusoo qaadeen dabley hubeysan.
Laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Canshuurta ee dowladda Soomaaliya ayaa toogasho gaadmo ahayd lagu dilay markii dabley Bistoolado ku hubeysnaa oo ugu dhuuntay goob ay canshuur ka qaadayeen ay mar qura toogteen askartaasi, kadibna ay baxsadeen.
Dadka degaanka ayaa soo sheegay in labada askari oo ahaa kuwa canshuurta qaada rasaas lagu furay, ayna goobta ku geeriyoodeen, waxaana halkaasi ka qaaday ciidamada dowladda ee aaggaasi ka howlgala.
Alshabaab ayaa inta badan ka dambeysa falalka khaarijinta ah iyo qaraxyada lala beegsado ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.