Askari ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray is-rasaaseyn maanta ka dhacday Suuqa weyn ee Bakaaraha, magaalada Muqdisho kadib markii ay isku dhaceen ciidamo oo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliska saldhigga Howlwadaag iyo ciidamo kale oo isku qabtay cashuur laga qaado goobaha Ganacsiga suuqa; waxayna dad goobjoog ahi ay sheegeen in labada ciidan isku dhaceen markii la isku maandhaafay canshuur laga qaaday Bakhaar ku yaala qeybta Badarka ee suuqa.
Askarta qasaaraha soo gaaray ayaa ka tirsan saldhigga Booliska H/wadaag, waxaana goobta ka baxsaday ciidamadii kale oo ka mida askara iskood u abaabulan oo lacago baad iyo canshuur isugu jirta ka qaata ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dagaalka labada ciidan kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda, iyadoo la xaqiijiyey inuusan jirin askari qori laga qaatay, sida lagu baahiyey baraha bulshada.