Saturday, July 5, 2025

Iska yaree cabsida badan ee Cudurka Coronavirus. (Akhriso 5 xaqiiqo oo lagu farxi karo & COVID-19)

Inkastoo kumanaan qof uu dilay, boqolaal kun oo kalena uu soo ritay, dalal badan uu bandow ka dhigay oo oloshiina istaagtay, dartiisna dhaqaalaha dunida uu hoos ugu dhacay, loona xiray Masaajiddii, Jaamacadihii, dugsiyadii waxbarashada iyo goobaha la isugu yimaado, haddana Coronavirus sida looga wada baqayo uma aha musiibo aan dheg la qabto lahayn.

Cudurkan oo kasoo bilowday Novermbar 2019 magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, haddana wuxuu si weyn usoo shaac baxay Decembar 2019, isagoo si weyn ugu faafay dalka Shiinaha, kadibna u gudbay caalamka oo dhan, iyadoo uu hadda fara ba’an ku hayo dalalka Yurub, Mareykanka iyo Aasiyada kale.

Shan xaqiiqo oo cudurkan COVID-19 laga ogaaday ayaa rajo gelinaya dadka, waxayna kaa yareynaysaa cabsida badan ee laga qabo magaciisa iyo sida uu dunida u gilgilay xilligan, waxayna kala yihiin:

1- Marka loo barbar dhigo cudurrada la nooca ah ee faafa, waa cudur aan dilaa ahayn, waxaana u dhinta 1% dadka uu ku dhaco, taasoo micnaheedu yahay in 99% ay ka kacayaan ama ka bogsoonayaan. Cudurradii la mid ahaa sida Ebola wuxuu dilay 99%. SARS ayaa isna 11% galaaftay dadkii uu ku dhacay.

2- Cudurkan COIVD-19 ee Coronavirus uu keeno uma badna caruurta ama wuxuu ugu dhacaa si ka fudud dadka kale, waana arrin yaab leh oo uu la gaar yahay cudurkan.

3- In dadka qaarkii ay cudurka ka bogsoonayaan iyagoo aan xaalad halis ah gaarin, dhaqtarna la jiifin.

4- In durba la helay dawooyin lagula tacaalo, sida kaniiniga ‘favipiravir’ oo dad badan oo bukaan u ahaa cudurka wax weyn loga gartay.

5- In dunidu ku tartameyso sidii tallaal iyo dawo loogu heli lahaa cudurkan, iyadoo Shiinaha oo kaliya ay ka socoto tijaabada 5 tallaal oo kala gaara ah, rajo badan ayaana laga qabaa in dawo iyo tallaalba loo helo.

Cudurkan dalal badan oo awood is biday ayuu tusiyey tabartooda, waxaana qof kasta ku waajiba inuu qaato tallooyinka caafimaad, isla markaana uu badsado ducada iyo Alle ka cabsiga.


Hoos ka daawo Prof. C/casiis Maalingur oo ah Aqoonyahan cilmiga Difaaca jirka ku heysta shahaadad PhD a oo ka hadlaya sida looga hortegi karo cudurka COVID-19.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON