Culimada degaanka Puntland ayaa u hoggaansani waayey amar kasoo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan in la xiro Masaajidda degaanadaasi iyo Dugsiyada Quraanka.
Salaadii Duhur kadib ayaa waxaa si caadi ah u furnaa Masaajidda, iyadoo lagu tukaday salaadihii Maqribka iyo Cishaha, waxaana culimada qaarkood ay sheegeen inaysan xireynin Masaajidda lagu cibaadeysto iyadoo ay furan yihiin goobaha ciyaaraha, baararka iyo goobaha kale, Qaadka ka yimaada dalka Itoobiyana uu soo galo Puntland.
Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa maanta amar ku bixiyay in muddo laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla degaannada Puntland, si looga hortago cudurkaas Coronavirus, isagoo ciddi fulin weyda ugu hanjabay in sharciga lala tiigsan doono.
Wararka ayaa sheegaya in Guddi ka tirsan culimada Puntland iyo wasiirka ay kulan ka yeelan doonaan arrintan maalinta berri ah si looga hadlo go’aanka fuli waayey.