Wednesday, June 25, 2025

Askari 2000 Sh/So u dilay Oday waayeel ahaa oo lagu xukumay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun Dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasoo nin oday ah oo ku ganacsaneyey Isgoyska Ceel-gaab ee degmada Xamarjajab u dilay muran ka dhashay 200 Shilin Somali.

Dil-suge Nuur Daahir Geedi oo lagu helay dilka Marxuum Cumar Xasan Macalin oo ahaa oday ganacsade danyar ah, wuxuuna qirtay falka dilka ah ee uu geystay, iyadoo maxkamadda ciidamad ay ku dhawaaqday xukunka lagu riday.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in eedeysane Dable Boolis Nuur Daahir Geedi oo ka tirsan Saldhiga Booliska degmada Shangaani lagu xukumay dil Toogasho ah oo ah qisaastii Cumar xasan Macalin oo 16-kii Bishii June 2020 uu ku dilay Isgoyska Ceelgaabta.

Xukunka lagu riday askarigan ayaa la siiyey muddo Bil ah oo uu rafcaan ku qaadan karo, haddii aanu ku qancin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON