Thursday, June 26, 2025

Askari dil ka geystay Dhuusamareeb, kana tirsanaa ilaalada Senator caan ah oo lagu wareejiyey Ciidamada Amniga

Ilaalada senator ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku dilay nin dhalinyarro ah oo laga yaqaan magaalada.

Dilka ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Shaafici Xaaji Diiriye ayaa yimid markii askari ka tirsan ilaalada senator Yuusuf Geelle Ugaas uu rasaas ku furay xilli uu marayey Guriga uu degan yahay senatoorka, isagoo gaari yar watay, waxaana dilkiisa si weyn uga xumaaday bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Senetor Yuusuf Geelle Dhegey ayaa tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday mrxuum Shaafici Xaaji, wuxuuna sheegay inuu Hay’adaha Amniga ku wareejiyey askarigii geystay dilka, iyadoo cadaaladda la marsiin doono.

“Alle ha u naxariisto Shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed,Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senetor Dhagey oo qoraal soo diray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON