Sunday, July 13, 2025

Askari dilay sarkaal Jabuutiyaan ah oo isu dhiibay kooxda Alshabaab

Wararka laga helayo degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu baxsaday askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo dil u geystay askari Jabuutiyaan.

Askarigan ayaa Arbacadii Buuloburte toogasho ku dilay askari ka tirsanaa Ciidamada AMISOM ee ka socda dowladda Jabuuti, waxaana la sheegay inuu shalay gaaray degaanka Halgan ee duleedka magaalada Beledweyne, isagoo kooxda Alshabaab isu dhiibay.

Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Buuloburte ayaa guuldarreystay inay ninkaasi gacanta ku dhigaan, kadib markii ay dalbadeen ciidamada Jabuuti. Waxaana shalay halkaasi gaaray  Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble iyo Saraakiil ka socda Ciidamada AMISOM iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Waxa socda baaritaanka falkan oo ah kii ugu horeeya ee qabsada ciidamo AMISOM ka tirsan, iyadoo xiisad iyo is aamin darro uu falkan dhex dhigay ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaalida.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON