Askari ka tirsan ciidamada milateriga oo sheegtay inuu ka hortegay Gaari Mini Bus ah oo lagas oo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dalbadaa madaxweyne Farmaajo lacagtii uu balan qaaday ee ahayd 100,000 Doolar.
Askrigan oo ka howlgala bar koontarool oo ku dhow xerada ciidamada milareriga ee warshadii hore ee nacnaca degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu isagu hor istaagay gaari qarxay, rasaasna ku furay.
Darawalkii gaariga ayaa baxsaday isagoo rasaas lagu ridayo, waxaana uu siday Moos iyo khudaar, iyadoo ay ku dhinteen ilaa laba ruux oo shacab ah.
Wuxuu ku dooday in lacagtii madaxweyne Farmaajo balan qaaday uu xaq u leeyahay mar haddii uu joojiyay gaari doonayay inuu xerad ciidamada isku qarxiyo.
Dhageyso askariga