Monday, July 14, 2025

Askari ka tirsan ciidamada Booliska oo xaaskiisa ku gowracay Magaalada Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa la sheegay inuu xaaskiisa ku gowracay magaalada Muqdisho.

Dhacdadan fooshan xun ayaa xalay ka dhacday degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana saaka dadka degmadaasi ay meydka haweeneyda la gowracay ku arkeen agagaarka Buundo labaad.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar ayaa sheegay in baaritaan ku socdo kiiskan isagoo xaqiijiyay in askari ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya uu xalay xaaskiisa ku dilay degmada Waaberi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilay Xaaskiisa lagu xiray Saldhiga degmada Waaberi. Waa falkii ugu naxdinta badnaa ee dhowaanahan ka dhaca Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON