Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta toogasho ku dilay darawal Mooto Bajaaj kadib markii uu muran dhex maray.
Dilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Labada Buunde ee degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi. Waxayna wararku sheegayaan in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa ciidamada ilaalada dowladda Hoose ee canshuurta ka qaada Mootooyinka, kaasoo rasaas ku furay darawalka.
Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay goobta dilku ka dhacay iyagoo sameeyay bannaanbax ay uga cabanayaan dilka bareerka ah ee loo geystay darawalka Bajaajta, kasoo ka mida dilal joogto ah oo ay ciidamadu kula kacaan darawallada Mooto Bajaajta.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo baraha bulshada muuqaal soo dhigay ayaa sheegay inuu amray in la soo qabto askarigii dilka geystay, isagoo falkaasi ku tilmaamay mid waxashnimo ah.