Friday, July 11, 2025

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo Dil ka geystay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan cidamada dowldda Soomaaliya uu dil ka geystay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Askariga oo la sheegay inuu ka mid ahaa ciidamo abaabulan oo lacago baad ah ka qaata Gaadiidka dadweynaha ayaa muran lacageed ku dhex maray darawalka oo ku sugnaa Busteejada Gaadiidka laga raro ee degmada Kaaraan, taasoo keentay inuu rasaas ku furo, halkaasoo uu ku dhintay darawalkii.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, wuxuuna dilkan geystay markii loo diiday lacag dhan 5000 Shili Soomaali. Waxaana halkaasi gaaray Ciidamada Booliska Saldhiga degmada Kaaraan, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka darawalka la dilay.

Wararka ayaa sheegay in bannaanbax ay dhigeen darawallada iyo gaadiidleya wada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ee ka shaqeeya degmada Kaaraan, iyagoo ka cabnaya falalka joogtada ah ee ay ku hayaan ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON