Monday, July 14, 2025

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo toogasho lagu dilay Muqdisho & Qori laga qaatay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegay in koox hubeysan ay dil khaarijin ah ka geysatay magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa la dhacay Isgoyska Siinaay ee degmooyinka Wardhiigley iyo Boondheere, waxayna laba nin oo dabley ah ay toogasho ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo halkaasi ku sugnaa, iyadoo kadibna halkaasi ka baxsaday markii ay qaateen qori uu heystay dharaar cad.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay goobtaasi  xireen dilka kadib, inkastoo aan lagu guuleysan in la soo qabto kooxdii ka danbeysay dilka askariga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON