Monday, July 7, 2025

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo toogasho lagu dilay Weerar ka dhacay Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay duleedka caasimadda.

Dilkan ayaa ka dhacay degaanka Macaani ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo ay weerar ku qaadeen dabley hubeysan oo markii ay toogasho ku dileen askariga kadib ka qaatay qorigii uu watay.

Wararka ayaa sheegay in askariga la dilay magaciisa lagu sheegay Wadaad-yare, waxayna dadka degaanka sheegeen in kooxda falka dilka geystay oo wadatay Mooto Dhugdhugley ah ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay, iyagoo baaritaan ka sameeyay halkaasi, lamana soo werin cid loo qabtay arrintan, waxaana la tuhunsan yahay in kooxda Alshabaab ay ka danbeysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON