Monday, July 14, 2025

Askari ka tirsanaa ciidamada Mareykanka oo loo qabtay Qaraxyo uu ka fulin rabay gudaha Mareykanka

Nin hore uga tirsanaa ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lagu xiray magaalada San Francisco isagoo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay inuu geysto weerar argagixiso maalinta ciida miilaadiga ee masixiyiinta. Cadeymo la helay ayaa sheegaya in Everitt Jameson u qorsheynayay in uu bartilmaameedsado goob mashquul ah oo badanaa ay tagaan dalxiisayaasha, isagoo ay dhiira gelinayaan baa la yiri kooxda iskugu yeerta dowladda Islaamiga.

Everitt Jameson oo 26 sano jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu doonayay inuu adeegsado walxaha qarxa si uu ugu bartilmaameedsado goob ay dadku ku badan oo loo yaqaano Pier 39, halkaasi oo ah mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee loo dalxiis tago magaalada San Fransisco.

Sida ay muujiyeen waraaqo maxkamadeed, Jameson ayaa si taxadar la’aan ah u muujiyay qorshayaashiisa waxa uuna u sheegay hay’ada mukhaabaraatka FBI-da inuu rumeysan yahay inuu yahay hoggaamiye sare oo ka mid ah kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS.

Waxa uu sidoo kale u sheegay hay’adda FBI-da in “xiliga masiixiyiinta ay tahay waqtiga ugu wanaagsan ee weerar la qaado,” waxa uuna ku dhawaaqay in uusan u baahneyn inuu baxsado sababtoo ah “waxa aan diyaar u ahaa inaa dhinto.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hoyga ninkaan oo horey uga mid ahaa ciidamadda badda Maraykanka ayaa hay’adda FBI-du weerartay maalintii Arbacada, halkaasi oo ay hay’addu ka soo heshay waxyaabo muujinayay inuu is qarxin rabay sida rasaas iyo hub kala duwan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON