Monday, July 14, 2025

Askari ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya oo xukun toogasho ah lagu fuliyay

Wararka laga helay o magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay askari xukun dil ah hore loogu xukumay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa la xaqiijiyay inay saakay xukun dil ah ku fulisay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey

Askarigan oo 28 sano jir ahaa ayaa lagu helay in sanadkii hore uu Degmada Afgooye ku dilay qof shacab ahaa oo lagu magcaabi jiray Maxamed Cali Cabdalla ku dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dembiilaha ayaa rafcaan ka qaatay xukunkii hore ee dilka, laakiin Maxkamadda sare ayaa dib ugu xukuntay isla dil, taasoo saaka lagu fuliyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON