Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa ilaalada Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey).
Askarigan ayaa loo heysatay inuu magaalada Dhuusamareeb ku dilay nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye, markii uu rasaas ku furay xilli uu mareyay meel u dhow Guri uu magaalada ka degan yahay Senatorka.
Eedeysane Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) ayaa lagu helay dil bareer ah, waxaana sidoo kale Maxkamadda ay 5 sano oo xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed C/weli Xasan (Boqol) oo la sheegay inay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumka.
Dilka Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye oo ahaa nin dhalinyarro ah oo si weyn looga yaqaan magaalada Dhuusamareeb 28 kii Maarso ee Sanadkan 2020-ka.