Wednesday, June 25, 2025

Askari la tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa Dilkii Guddoomiyaha Degmada Hodon oo baxsaday

Iyadoo ay faahfaahin dheeraad ah kasoo baxeyso dilka Guddoomiyihii degmada Hodon C/xakiin C/raxmaan Ciise ayaa la sheegay inuu baxsaday askari ka mida ciidamadii ku lugta lahaa dilka Guddoomiyaha.

Guddoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa sheegay in dhammaan la xiray ciidamadii goobta falku ka dhacay ku sugnaa iyo taliyeyaasha laba saldhig, balse uu baxsaday askari ka mida ciidamadii falkaasi dilkii ahaa ee guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun ku lug lahaa.

Askariga la waayey ama baxsaday ayaan faahfaahin dheeraad ah laga bixin, laakiin waxay shaki hore arrintan sii gelinaysaa kiiskan oo warar badan ay kasoo baxeen iyadoo aan weli la xaqiijin inuu ahaa shil iyo in uu ahaa shirqool.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON