Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku lagu helay inuu Wiil Arday ahaa si bareer ah ugu dilay magaalada Muqdisho.
Falka dilka ah ayaa 26-kii July ee sanadkan 2019 ka dhacay agagaarka Ceelgaabta, degmada Xamarjajabm, waxaana askarigan Dable Boolis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane uu ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo degnaa degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir.
Sheekh Nuur Maxamed ayaa ahaa arday dhiganayay School oo xilligaasi marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana lagu caddeeyay inuu dilka si bareer ah u geystay askariga Dable Boolis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegay inuu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya
Waxaa maxkamadda la hor keenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda caddeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin.
Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada oo ah in Dil toogasho ah lagu xukumay askariga oo ah qisaasta Marxuum Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud.