Friday, April 19, 2024

Askari Somali-American ah, kana tirsanaa Booliska Minnesota oo dambi Dil ah lagu helay.

Askari Somali Mareykana ah oo ka tirsanaa Booliska magaalada Minneapolis ayaa lagu helay inuu geystay fal dil ah, kadib dacwad ku socotay oo ku saabsaneyd haweeney u dhalatay dalka Australia.

Askariga Maxamed Nuur ayaa hore uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis egobolka Minnesota, asalkiisuna waa Soomaali, iyadoo ugu danbeyn lagu helay inuu dilay haweenay aan hubaysnayn. Askarigan ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond xilli ay dooneysay in ay ku wargaliso in ay ka shakisay in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo, shilkaasi oo dhacday 15 Luulyo ee sannadkii 2017.

Justine Damond
Ruszczyk Damond

Waxaa la sheegay in Maxamed oo 33 jir ah uu maleeyay in weerar lagu soo qaaday, wuxuuna qirtay inuu rasaasta furay isagoo ka baqaya in isaga iyo askarigii la shaqaynayay weerar gaadmo ah lagu soo qaaday. Haweeneyda Damond ayaa 40 sano jir ahayd ayaa kasoo jeeda dalka Australia, waxayna ahayd macallimad dhigta jimicsiga.

Ad

Maxamed oo gacamaha ka xiran ayaa xabsi loo taxaabay isla markii ay xeer ilaalieyyaasha ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah, xukunkaasina wuxuu dhacay Talaadadii. Waxaa lagu waayay dambiyadii halista ahaa ee dilka heerka labaad ah iyo in uu si ula kac ah u dilay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON