Afhayeenka ciidamada Uganda, Brig Gen Felix Kulayigye ayaa xaqiiijiyey in askari ka mida ciidamada Uganda uu toogasho ku dilay saddex askari oo ka mid ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya.
Kiiskan ayaa hadda la baarayaa sababta keentay iyo askartiga ka dambeeyay oo la xiray, kadib markii uu rasaas ku furay saddex askari oo la shaqeynayay, halkaasina ku dilay.
Dhacdadan, ayaa shalay subaxnimadii Isniinta ka dhacday Xarunta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, oo ay xilligan ilaalinayaan Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kana socda dalka Uganda.
Afhayeenka ciidamada UPDF, Brig Gen Felix Kulayigye, ayaa Warbaahinta Uganda u sheegay in aan wali la aqoonsan heybta marxuumka iyo sababta keentay toogashada ku kaliftay, balse gacanta lagu dhigay, isla markaana la diyaariyay koox baaritaan ku sameeya falkan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in askariga dilka geystay lagu magacaabo Simon Agaba, kaasoo dilay saaxiibadii kala ahaa: Lance Corporal Christopher Kigongo, Lance Corporal Lord Charles Mangwi iyo Private Charles Akatwongyera.Â
Toogashada ka dhex dhacda askarta Uganda ee ku sugan Somaliya ayaa marmar dhacda, Waxaan la xusuustaa in Bishii May ee sanadkii 2019 uu askari Ugandes ah toogasho ku dilay sarkaal taliye u ah, isagoo kadibna is dilay.

