Faafhaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa kiiska dilka wasiirkii howlaha guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Siraaji iyo ninka loo heysto inuu geystay dilka.
Ilaalada hanti dhowrka guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka danbeeyay dilka, waxaana Guddiga baaritaanka kiiskan ku jira ay ogaadeen arrimo dhowr ah oo ku xeernaa sidii uu u dhacay dilka wasiir Cabbaas.
Hanti dhowrka ayaa la sheegay inay ilaalo u yihiin askari oo uu kala yimid ciidamado kala duwan oo aan boolis ahayn sida asluubta iyo ciidamada cirka, waxaana askariga dilka wasiirka loo heysto la sheegay inuu kiis kale ku socday.
Askarigan ayaa bishii hore ee April ku lug yeeshay shil keenay in qorigiisii laga qaado, taasoo timid kadib markii gaariga hanti dhowrka uu qasab ku galay wado xiran oo xilligaasi ay isticmaalayeen madaxda dowladda.
Askarigan loo heysto dilka wasiir Cabbaas ayaa la sheegay inuu qori ula baxay askartii ilaalada ahayd, kadibna tallaabo laga qaaday oo qorigii uu heystay lagala wareegay ciidamada booliskuna ay dacwad ku soo oogeen.
Askarigan ayaa la sheegay inuu sii daayay hanti dhowrka, kadibna u dhiibay qori kale oo aan ahayn kii uu adeegsan jiray ee sharciyeysnaa, iyadoo qorigiisa ay hayeen ciidamada Booliska, kiiskiisiina aanu dhammaan ayuu haddana ku lug yeeshay dilka wasiirkii Howlaha guud Cabbaas Siraaji.
Goobjooge.com