Thursday, June 26, 2025

Askarta Dowladda oo weli sii wada Dilka Dadka rayidka ah [Warbixinta Amniga ee 24-ka Saac]

Maanta 7-da April 2019 waxaa magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda laga soo weriyey howlgallo iyo dhacdooyin amni, iyadoo uu weli socdo howlgalkii keenay in Caasimadda la kala xiro oo qeybo kala go’an loo qeybiyo.

Askari ka tirsan ciidamada Booliska ayaa toogasho ku dilay saaka darawal Gaari oo u shaqeeya xerada Turkiga, waxaana rasaas madaxda uga dhuftay askari ku sugnaa barta koontaroolka ciidamada ee u dhow isbitaalka Medina, halkaasoo la sheegay inay ciidamada weydiisteen lacag gaareysa Hal Doolar oo baad ahayd.

Ehelka wiilka dhintay oo ahaa wiil dhalinyaro ah laguna magacaabi jiray Sharma’arke Tifow ayaa sheegay in taliyeyaasha Booliska ee Saldhigga Wadajir iyo kan qeybta Galbeed ay is arkeen ayna u sheegeen inuu baxsaday askariga dilka geystay, iyadoo la qabay askar kale oo qeyb ka ahaa falkaasi, waxayna rajo xumo ka muujiyeen inay cadaalad u helaan wiilkooda.

Dhinaca kale Qarax Miino dhulka la geliyey ayaa maanta ka dhacay degmada Dayniile, agagaaarka Isbitaalka Guutaale, wuxuu qabsaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex qof.

Gaariga Miinada la qaraxday ayaa noociisu ahaa NISSAN SURF, iyadoo uu soo gaaray burbur, waxaana dadka ku dhaawacmay ka mid ahaa dhaqtar, sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa.

Ciidamada Booliska ayaa xalay saqdii dhexe shaaciyey in la qabtay hub iyo waxyaabo qarxa oo laga soo saaray degaanka Ceelasha Biyaha, isla markaana howlgallo ay qaadeen ciidamada dowladda lagu soo qabtay in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab. [AKhriso Warka]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON