Askarta Galmudug looga dilay duqeyntii cirka ee lagu qaaday xarun ay ciidamadaasi ku lahaayeen Bariga Gobolka Mudug ayaa sare u dhaaftay 20 askari.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada dhintay aya gaareen 22 askari, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay askar gaareysa 16 kale oo xaalkooda halis yahay, waxaana lagu gubay afar gaari oo kuwa dagaalka ah.
Weerarkan oo dhaliyay caro badan ayaa la sheegay inay warbixintiisa bixisay Puntland iyadoo saraakiil Mareykan ah oo kala shaqeeya la dagaalanka argagixisada u sheegtay in degaankaasi ay ku sugan yihiin koox Alshabaab ah.
Wasiirka Amniga Galmudug Cusmaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo u warramay BBC ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen Puntland oo warbixin been abuur ah siisay Mareykanka.
Ciidamada goobta gaaray kadib weerarka ayaa ahaa kuwa Mareykanka tababarro ee PS-ta Puntland, wuxuuna Taar-dhuleed dalbaday jawaab ka bixiyaan Mareykanka, isagoo Puntland ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay arrintaasi.
Alshabaab ayaa beenisay inay wax saldhig ah ku leedahay duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana weli arrintaasi ka hadlin Puntland marka laga reebo saraakiil heer hoose oo ku andacooday in Alshabaab weerar ku ahaa Puntland la weeraray.
Goobjooge.com