Qarax miino ayaa la sheegay inuu haleelay Gaari ay wateen ciidamada Booliska Kenya opo ku socdaalayey degaan ka tirsan Bariga Wajeer ee Waqooyi-Bari Kenya, iyadoo la sheegay in askar fara badan uu qaraxaasi galaaftay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in 8 askari oo Boolis ah ay ku dhinteen markii Gaarigii ay la socdeen uu dul maray Miino xoog leh oo wadadda loo geliyey, waxaana ka badbaaday hal askari, barqadi maanta.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeya degaanada Riba iyo Konton ee Bariga Wajeer, waxaan qaraxa kadib rasaas ku furay dabley la sheegay inay Alshabaab ka tirsan tahay oo qaraxa ka danbeysay.
Waa qaraxii ugu qasaaraba badanaa askar intaas la eg ay ciidamada Kenya uga dhintaan Miino loo dhigay, waxayna ciidamadan kormeer ku hayeen degaanada u dhow xuduudka Soomaaliya.