Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo ku jira diyaargarowga ciidamadii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga saarayo ayaa shaaciyey magaalada laga qaadayo ciidamadaasi ee lagu wareejinayo Milateriga Dowladda Soomaaliya.
Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,Danjire Maxamed El-Amine Souef ayaa booqday Saldhigga difaaca hore ee Ciidanka Xoogga Dalka magaalada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe, isagoo la sheegay inuu kuur galayey diyaargarowga loogu jiro dhimista 2000 askari oo ATMIS laga dhimayo.
Waxaa magaalada Cadalle ka socta sidii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loogu wareejin lahaa Saldhigga ATMIS oo laga qaadayo ciidamada ka socda dalka Burundi. “Burundi waxay ahayd waddankii labaad ee Uganda kadib soo dira ciidamada howlgalkan Midowga Afrika, waxayna kaalin firfircoon ka qaateen xoreynta Muqdisho iyo deegaannada kale” ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika Danjire Souef oo khudbad uu u jeediyay ciidamada Burundi ee Cadalle.
Wareejinta Ciidamada Somaliya lagu wareejinayo Saldhigii ATMIS ee Cadalle waxay qeyb ka tahay Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ay isla qaateen Dowladda Federaalka Soomaaliya, ATMIS, Q/Midoobay.
Qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee lagu ansixiyay Qaraarrada Golaha Ammaanka ee 2628 iyo 2670 ayaa dhigaya in ATMIS-ka la dhimo 2,000 oo askari dhammaadka bishan June 2023 iyo 3000 oo kale marka la gaaro bisha Sebtembar.
Wafdiga tegay degmada Cadalle waxaa ka mid ahaa, Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aisa Kacyira, Taliyaha Ciidanka ATMIS, Lt. Gen. Sam Okiding iyo saraakiil kale oo ka tirsan UN iyo ATMIS.