Mid ka mida Sharci-yaqaannada Soomaalida ayaa sheegay inay adag tahay in mooshin xilka looga qaado Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, basle mooshinka kaga keenay uu yahay mid xambaarsan macne siyaasadeed.
Avv. Sakariye Yusuuf oo arrimaha siyaasadda Geeska Afrika u qaabilsan Hay’adda Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa sheegay in Mooshin madaxweyne lagu meelmarin karo 219 xildhibaan, taasoo aad u adag xilligan la joogo.
“Motion-ka laga gudbay madaxweynaha wuxuu u baahanyahay 219, waana ay adag tahay, balse motion-ka ayaa leh macano siyaasadeed, wuxuuna caddeynayaa fashalka siyaasadda Farmaajo.” ayuu yiri Avv. Zakariye.
Mooshinka oo shalay gudbiyeen 92 xildhibaan ayaa waxaa ka qabtay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana uu dhaliyay xiisad siyaasadeed keentay inuu khalkhal soo wajaho madaxweyne Farmaajo.