Sunday, July 6, 2025

Awood qeybsiga 4.5 oo sababay inay kala jabaan Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ahaa Dowladda

Iyadoo lagu howlan yahay dhismaha isbaheysi xoog leh oo ay ku jiraan siyaasiyiinta iyo xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ayaa waxaa soo shaac baxday kala qeybsanaan ku timid hoggaamiyeyaasha xisbiyada ka dhalatay nidaamka 4,5 ee awood qeybsiga.

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada ugu cadcad ayaa dhammaantood kasoo jeeda hal beel, taasoo keentay in la isku qabsado cidda hoggaamin doonta Isbaheysiga xisbiyada mucaaradka, waxaaana markii ugu horeysay ka cago jiiday C/raxmaan C/shakuur oo hoggaamiya xisbiga Wadajir, kadib markii madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay hoggaanka mucaaradka isu sharxeen.

Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinaca kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ka tanaasulay guddoomiyaha Madasha xisbiyada Qaran, waxaana xilkaasi la isku raacay inuu qabto Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, halka C/raxmaan C/shakuur oo eersaday 4.5 uu ka baxay ka mid noqoshada Madasha Mucaaradka.

Isbaheysi iyo kasta oo Qaran ayaa ku qasban inay ka wada muuqdaan beelaha Soomaalida, waxaana xisbiyada KMG ah intooda badan ku dhisan yihiin hal siyaasi oo hoggaamiye ah iyo saaxiibadiis, taasina waxay hadda keentay inay kala qeybiso siyaasiyiinta ku kacsan madaxda dowladda Federaalka ee hadda xilka heysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON