Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey ayaa maanta shaqadii ka joojiyey xoghayihii guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux, isagoo ku xigeenkiisa u magacaabay inuu si KMG ah xilka usii hayo. [Akhriso Warkan]
Haddaba waxaan halkan ku eegeynaa inay sharci tahay xil ka joojinta uu ku dhawaaqay C/weli Muudey oo horena isugu magacaabay sii-haye guddoomiye, iyadoo uu joogo guddoomiyihii Golaha oo aan la guda gelin mooshinka muranka dhaliyey ee laga keenay.
Qodobk 82-aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, faqradiisa 5-aad ayaa qeexaya qaabka loo magacaabo xoghayaha Guud iyo awoodihiisa, iyadoo marka qodobkaasi la eego ay soo baxeyso in tallaabada uu qaaday C/weli Muudey ay sharci darro tahay.
HOOS KA AKHRISO QODOBKA OO 82AAD EE XEER HOOSAADKA GOLAHA SHACABKA
Qodobka 82-aad: Maamulka Golaha Shacabka
1. Shaqaalaha Golaha Shacabka waxay ka mid yihin shaqaalaha dowlada islamarkaasina yihin xubin muhim ka ah shaqaalaha rayidka ee dowladda. Toos waxaa u shaqaleysta Golaha hadba sida baahidiisa, iyo shurudaha loogu tala galay sida uu cadeeyo Gudiga Arrimaha Golaha.
2. Xilalka iyo isku dubbaridka shaqaalaha Golaha waxaa lagu hagaya xeer maamuleed oo gooni ah sida uu u soo jeediyo Guddiga Arrimaha Golaha uuna u ansixiyo Golaha Shacabka.
3. Shaqalaha Golaha waxaa ay hoos imanayaan Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka kaasoo kormeeraya, qiimaynaya shaqaadooda, amarkiisana ay ku shaqeynayaan. Xoghayaha ay ka mid tahay howshiisha arimaha ku saabsan maqaamkooda iyo marxaladooda shaqo. Qiimaynta shaqada, dalacsiinta, tilaabooyinka anshaxa iyo kala wareejinta shaqalahawaa in ay waafaqsanaadaan xeer maamuleedka Golaha.
5. Ilaa inta laga sameynayo Guddiga Adeega Golaha, Xoghayaha Guud ee golaha waxaa magacaabistiisa soo jeedinayaa Guddoomiyaha Golaha isagoo la tashaday Ku-Xigeenadiisa, waxaana ansixinaaya Guddiga Joogtada.
6. Xoghayaha Guud ayaa ah masuulka ugu sareeya ee u xilsaaran maamulida arrimaha Golaha, islamarkaasna u xil saran arimaha la xiriira heykalka maamul, farsamo iyo dhaqaale isago ka amar qaadanaya Gudoomiyaha Golaha islamarkaasna waafajinaya xeer mamuleedka uu ansixiyay Golaha Shacabka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/weli Muudey oo lagu eedeyay inuu la safan yahay xukuumadda iyo xildhibaannada mooshinka wada ayaa wada tallaabo uu kula wareego keligiisna isu caleemo saarayo guddoonkii Baarlamaanka Federaalka, taasoo sii kordhineysa xiisadii Baarlamaanka.