Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo fadhi u ah garabka maamulka Galmudug ee Madaxweyne Xaaf hoggamiyo ayaa sheegay inay muddo kororsi sameeyaan madaxweynaha iyo Madaxad xukuumadda Maamulkaasi.
Shir ay maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir gudoomiyey Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayey Golaha wasiirada isku raaceen in muddo xileedka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale iyo Madaxa Xukuumada laga soo bilaabayo markii ay heshiiska ku saxiixeen labada dhinac Dalka Jabuuti ee la isku daray maamulkii Ahlu-Sunna iyo Galmudug Decembar 2017.
Sheekh Maxmed Shaaku Cali Xasan ayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan rabi aanka Galmudug, sida uu yiri, iyadoo Axmed Ducaale Xaaf uu isna ku adkeysatay inuu xilka sii heyn doono ilaa 2021.
Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa caddeeyay inaysan sanadkan 2019 wax Doorasho ah ka dhici doonin Galmudug, balse doorashada ku beegan tahay saddex sano kadib.
Xaaf oo muddo xileedkiisa ka bilowday markii uu is casilay madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa xilkiisa ku eg yahay aakhirka sanadkan, iyadoo ay arrintan qeyb ka tahay khilaafka ka taagan maamulka Galmudug.