Wednesday, June 25, 2025

Axmed Fiqi oo iska casilay xilkii Wasiirka Amniga Galmudug. “Qoorqoor wuxuu doortay dagaal..”

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Wasiirka Amniga Galmudug, kadib markii ay isku fahmi waayeen madaxweynaha maamulkaasi qaabka loo wajahayo khilaafka kooxda Ahlu Suna.

Qoraal uu soo saaray ayuu Axmed Fiqi ku yiri: “Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya..”

Axmed Fiqi wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qooroor doortay dagaal, isagoo adeegsanyaa ciidamo laga soo daad gureeyay. “Wuxuu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe, asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn…”

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inuu talo u jeediyey Axmed Qoorqoor, taasoo ahayd: “Aniguna waxaan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.”

Wuixuu sheegay inuu ka hadli doona faahfahain arrintan, isagoo qaban doona shir jaraa’id, kaasoo uu ugaa hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON