Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo bandhigay 9 qodob oo uu sheegay inay caddeyn u tahay in Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ay ku maqan tahay isla Hay’addaasi.
Fiqi oo hore u soo noqday agaasimaha Hay’adda NISA ayaa sheegay in Cadaymahan ay marag-ma-doonto yihiin in Ikraan ku maqan tahay Hogaanka NISA, isla amrkaana Villa Somalia ay u soo tafa-xaydatay sida uu yiri ka xaglinta cadaaladda iyo duugista Kiiska Ikraam.
Qodobada uu soo bandhigay waxay kala yihiin:
1. Qoraalkii NISA soo galisay barta facebook-ga uu ku leeyahay SNTV oo lagu qiray dhimashada Ikraam, looguna tacsiyeeyey ehelkii Ikraam.
2. 48 saac oo raysulwasaaruhu u qabtay agaasimaha NISA in xogta Ikraam uu ku keeno oo ka dhaqangeli weyday dhanka Fahad Yaasiin.
3. Oday Farmaajo oo arrin aan u oolin soo salooshay iskuna dayay in uu indhaha ka weeciyo kiiska Ikraam asagoo furey buuq siyaasadeed.
4. Agaasimihii NISA oo kiiska Ikraam darteed xilka looga qaaday
5. Farmaajo oo Isku dayey in uu qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam asagoo aan marna qaabilin hooyada Ikraam.
6. Kooxda dilaaga ah ee Shabaab oo si la yaab leh isaga fogaysay dilka Ikraam ee dhankeeda loo soo baasay.
7. Caburin iyo Jirdil lagula kacay dhallinyaro banaanbax ku dalbanaysay in Ikraam ay cadaalad hesho.
8. Baabuurkii gabadha lagu afduubay oo la sheegayo in gobol kale la geeyey si baaritaanka looga qariyo.
9. Farmaajo oo ku gorgortamaya in kiiska guddi loo saaro, lagana daayo maxkamadda.
Ma dhumayo xaq qofkii lahaa daba-joogo.. kiiska Ikraam wuxuu imtixaanayaa maxkamadda gacanta ku haysa in sharcigu uu sarreeyo ama in qofku sarreeyo.
