Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawabay Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo goor dhoweyd sheegay inay soo baxeen kooxo ku dhex ganbanaya xaaladda Muqdisho.
“Mar kasta ee uu Ra’iisal Wasaare Rooble hadlo waxaa hadalkiisa mid khilaafsan ka daba dhaha wasiirkiisa amniga Xundubey.. Shalay Rooble wuxuu ku dhawaaqay xabbad joojin, maantana Xundubey wuxuu iclaamiyey dagaal” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi .
Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay sida loo kala sarreeyo xukuumadan!? ay khilafsan yihiin wasiirkii Amniga iyo Ra’iisal wasaaraha.
“Saaxiibkay Xundubay wax baa la bililiqeystay ayaa ahayd xujadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ku xalaalsanayo, laakin miyuusan ogeyn bililiqo ka weyn kursigii dalka looga talinayey oo Xoog lagu heysto in aysan jirin..?” ayuu is weydiiyey Axmed Macalin Fiqi.
Wuxuu ku eedeeyay Wasiir Xundubey in isagoo kursi bililiqo ah difaacaya inuu cid kale ku eedeeyo wax bay bililiqeysatay aysa nhaboonayn. “Bililiqada kaliya ee dagaal in lagu qaado mudan waa midda ka jirta Villa Soomaaliya.” ayuuna tilmaamay.
