Monday, August 4, 2025

Axmed Fiqi: “Talaabada uu qaaday taliyaha G/Banaadir ee Ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan”

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa bogaadiyey, soona dhoweeyay tallaabada uu qaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq.

“Talaabada uu qaaday taliyaha gobolka Banaadir ee ciidanka Boolisku waa mid bogaadin mudan, waana mid kor u qaadaysa sumcadda Ciidamada Booliska oo waayadii danbe oo dhan dhiiqooyin lugaha loo galinayey” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Wuxuu sheegay in todobaadkii hore ay ciidamada Boolisku jidadka ku celinayeen xildhibaanno si sharci darro ah loogu diidayay in barlamaanka ay tagaan, maantana qeybtii faraxsanayd maalmo ka hor ayaa la celiyey weliba iyadoo tan danbe ku sheegay inay heysato xujo wanaagsan oo ah in looga hortagayo go’aan qaldan oo Barlamaanka ka soo baxa in uu sabab u noqonayo dhibaatada amnidarro iyo xasilooni la’aan soo waajahda dalka.!

“Waxaa qormaysa taariikh, ayadoo dano gaar ah la fulinayo ha ka mid noqon kuwa loo adeegsado Dhaqangelinta sharcidarrada.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabgabeeyay wasiirka Amniga Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON