Friday, June 27, 2025

Axmed Madobe oo arrimo xasaasi ah u tegaya Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda tago magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah wadahadal uu Muqdisho kula yeelan doono madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo shir uu Muqdisho uga qeybgeli doono.

Sheikh-Madobe

 

Axmed Madoobe oo  cadaadis badan ka heysto dhismaga golaha wasiirada Jubbaland ayaa dhinaca kale  waxaa dhowaan khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashidi Cali oo ku saabsan arrimaha hiigsiga cusub iyo jago loo magacaabay wasiiru dowlihii madaxtooyada Jubba C/qani Jaamac oo aan lagala tashan.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dadaal lagu heshiisiinayo Beesha Mareexaan iyo Axmed Madoobe iyadoo shir arrintaas ku saabsan lagu qaban doono Muqdisho.

Madaxda maamulada dalka ayaa lagu wadaa inay kaqeyb galaan shirka wadatashiga Hiigsiga cusub ee  2016 kaasoo 17 bishaan la filayo inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON