Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe: “Cidda Muqdisho sheeganaysa Anigaa kow ka ah, mana jirto Qof iga xigta…”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka digay inay Soomaaliya dib ugu noqoto xaaladii hore, hadidi aan si nabad ah loola kala wareegin talada dalka, laguna weyn doono nabadda iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

Isagoo ka hadlayey munaasabadii 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayuu ku adkeystay in Dowlad Goboleedyada ay xaq u leeyihiin inay ka taliyaan mustaqbalka wadanka, isla markaana aanay cidna ka hor istaagi karin doorka ay talada dalka ku leeyihiin.

“Madaxweynaha waa inuu aqonsado inuu yahay ilaaliyaha dastuurka.. Baarlamaanka waa inuu gartaa shaqadiisa.. maanta oo waqtigoodii dhammaanayo ma aha inau xeerar ka shaqeeyaan oo dadkii iska hor keenaan…” ayuu yiri Axmed oo metelaadda G/Banaadir ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo dadka.

Wuxuu sheegay in Arrinta gobolka Banaadir la qabiileeyay, isaguna uu ka mid ahaa dadkii kasoo shaqeeyay sidii loo qeybiyay Aqalka sare, balse ay culeyska ugu badan markaas saarayeen in la qeexo maqaamka casimadda Muqdisho. “Waxay mudan tahay Muqdisho inay hesho maqaam iyo metalaad ku yeelato Aqalka sare, inay yeelato Gole degaan lasoo doorto ee aan maalin kasta loo magacaabin..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo dhinaca kale sheegay inaan isaga laga xigin Muqdisho.

“Qof aniga iga xigta Muqdisho ma jirto.. in la yiraahdo reer hebel ayaa xiga iyo reer hebel ayaa diidan sax maaha.. Muqdisho cidda sheeganeysa anigaa kow ka ah, yaan dadka lagu lug goynin dan laga leeyahay. Madaxda Qaranka ha ilaaliyaan Dastuurka dalka ku dhisan yahay..” ayuu mar kale khudbadiisa ku yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay haddii Gobolka Banadir la siiyo xitaa 50 Senator, haddan loogu qeybiyo wareegto inaysan wac macne ah lahayn, laakiin waxa la wado ay tahay Qof moos oo la isugu dhigayo.

Wuxuu Guddiga Doorashada ku eedeeyay inay in wixii ay qaban Saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay hada u raadinayaan wakhti dheeraad ah taas oo aan mara suuragal noqon karin in mudo kororsi loogu qiil dayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON