Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe: “Doorasho ayaanu ku mashquulnay, Amnigiina faraha ayuu ka baxayaa…”

Madaxweynaha  maamulka  Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ammaanka dalka guud  ahaan lagu haleeyay ciidamada AMISOM oo aan Soomaali ahayn sida uu hadalka u yiri dowladii iyo maamuladii Soomaaliyeedna ku mashquuleen doorasho.

Isagoo ka hadlayay munaasabadii ciidul firtiga ayuu Axmed Madoobe ku eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada inay dacyaceen dalka, kuna mashquuleen doorashooyin iyo arimo kale, taasoo keentay in amniga faraha loo galiyay Amisom oo la ahaanteed hanan karin.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in AMISOM dhibaato u soo jiiday Soomaali badan, ayna dhacday inay marar badan ciidamada AMISOM ka baxaan goobo ay ka qabsadeen  Alshabaab, kadibna Shabaabku dhibaateeyeen dadka shacab ah.

Wuxuu u soo jeediyay madaxda dowlada Soomaaliya inay qaataan masuuliyada Amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya oo aan lagu haleyn AMISOM iyo cid kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON