Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe: “Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaan Qoorta u dhiibtay, Madaxweyne Farmaajo wuu diiday wadahadal..”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ku sugan Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya oo diiday wadahadal inuu la yeesho markii uu qoorta u dhiibtay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Isagoo ka hadlayey Jaamacad ku taalla magaalada Boosaaso ayuu Axmed Madoobe sheegay in dad badan ay is weydiinayaan inay dowladda federalka ka horjeedaan, ayna lugaha hayaan; isagoo sheegay in shaqsi ahaan iyo qabiil ahaan aysan heysanin dowladda federaalka oo kaliya ay doonayaan inay fuliso wixii lagu heshiiyey.

“Waxaa noo yimid guddoomiyaha Aqalka Sare oo wafdi wata, waxaan ku iri guddoomiyow sharcigii waa kane.. waxaan rabaa inaad Qoorteyda qaado oo Madaxeynaha Jamhuuriyadda lugtiisa ku xirto.. wuxuu jawaab igu soo celiyey: waan waayey Qoortaada meel aan ku xiro…” ayuu yiri Axmed Madoobe oo sheegay in lagu heysto oo kaliya aragtidooda.

Wuxuu ka hadlay wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo u xiran dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in loo heysto inuu ka shaqeyn waayey burburinta Doorashadii Jubbaland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON